Duqa Muqdisho iyo madaxa UNHCR oo dhagax dhigay iskuul waxbarasho lacag la’aan ah bixinaya (Sawiro)

1238

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho  Thabit Cabdi Maxamed iyo Wakiilka Qaramada Midobay iyo madax ka socota Qaramada Midoobay ayaa maanta dhagax dhigay Iskuul laga hergaliyay magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho, Thaabit Cabdi Maxamed oo uu la socdo madaxa ugu sareeya Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga aduunka (UNHCR)   Filippo Grandi ayaa dhagax dhigay Iskuulka Dheere Xaaji Dheere oo Laga Hirgaliyay Degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho ayaa Sheegay in Schoolkaan Lagu Baran Doono Lacag La,an Mishaarka Macalimiintana ay Bixinaayaan Maamulka Gobolka Benaadir.