DP World oo ka hadashay Go’aankii dowladda Soomaaliya ee heshiiska dekadda Berbera

1139

Shirkadda DP World ayaa sheegtay in uusan quseyn go’aankii Xukumaadda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadatay ,ayna waxba kama jiraan uga dhigtay heshiiskii toddobaadkaan ay magaalada Abu Dhabi ay kula saxiixdeen Soomaaliland.

Madaxa Shirkadda DP Word Sultan Axmed Bin Suleymaan oo wareysi siinayay midka mid ah warbaahinta dalka Imaaraadka ayaa sheegay in uusan quseyn go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo baxay, Soomaaliland ay ahayd dowlad madax-bannaan dhawr iyo labatan kii sanno ee la soo dhaafay.

Waxa uu sheegay in heshiiska ay galeen ee ku saabsan maamulka dekadda Berbera uu ogolaansho ka helay Baarlamaanka Soomaaliland. Waxa uu intaasi ku daray in Dowladda Federaalka aysan awood u lahayn in ay wax ka beddesho heshiiska ay la saxiixdeen Maamulka Soomaaliland.

https://youtu.be/gAdyD-qvAuo

Warka soo baxay Shirkadda DP World ayaa imaanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay horrey u sheegtay in heshiiska shirka DP World la gashay Soomaaliland uusan sharci ahayn, heshiisyo dowladda Soomaaliya aysan wax ka ogayna aan lala geli karin shirkadaha caalamiga.

Shirkadda DP World ee ay leedahay dowladda Imaaraadka ayaa magaaada Abu Dhabi waxa ay kula saxiixatay toddobaadkii hore heshiis ku saabsan in ay maamulayso dekadda Berbera Maamulka Soomaaliland, iyada oo yeelanaysa saami dhan boqolkiiba 51%, halka Soomaaliland ay yeelanayso 30% iyo Itoobiya oo yeelanaysa 19% boqolkiiba.