Dowladda Uganda oo Soomaaliya u soo dirtay tirro ciidamo 1,800 askari – Sawirro

128

1,800 Askari oo ka socda Dalka Uganda ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho,waxaan ciidamadan oo ku biiraya howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Taliyaha Milatariga Uganda  Gen. David Muhoozi, ayaa sheegay in Ciidamadan oo ka mid ah guutada 27aad ee Milatariga Uganda ay ku biirayaan dagaalka ka dhanka ah AL-shabaab.

Gen. David Muhoozi , Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda.

Waxaa uu ciidamadaas ka codsaday in ay iska ilaaliyaan dhaqan xumada iyo in laga faafiyo wararka been abuurka ah.

“ howlgalka Soomaaliya maaha Sab, ama meel cunto ee waa meel dagaal, waa in Askari kasta eegaa Askariga kale gadaashiisa, hubisaanna in aad u  hoggaansameysaan xeerarka dagaalka iyo howlgallada ” ayuu yiri Taliye Ciidanka, Gen. Muhoozi.

Gen. David Muhoozi oo Ciidanka u sharraxaya shaqadooda.

Waxaa kale oo uu sheegay in howlgalka Soomaaliya uu u baahanyahay Edeb iyo naf hurnimo, si loogu guuleysto.

Waxaa kale oo uu Taliyuhu sheegay in howlgalka Soomaaliya oo Afrika lama filaan ka ahaa ay Ciidanka difaaca Uganda ee UPDF ay ka dhigeen mid suuragal ah.

1,800 ee Askari waxaa Taliye ka ah Col. Kosiya Kuteesa waxaana ku xigeen looga dhigay Col Rogers Okiror.

Xarunta tababarka Ciidanka Uganda iyo Calamada waddamada taageera.

Gen Peter Elwelu , oo ah Taliyaha Ciidanka Lugta ee Uganda ayaa ka mid ahaa saraakiishii sagootisay Ciidanka loo soo diray Soomaaliya waxaana uu u rajeeyay in ay guul ku dhameystaan.

Ciidankan ayaa qaatay tababar Lix bilood ah oo la xiriiray sida looga howlgalo goobaha dagaallada,waxaana ay ka mid noqonayaan  6,000 Askari ee Uganda ku matala Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya

SHARE