Dowladda Turkiga oo Safaarad ka furanaysa barriga magaalada Quddus

1076
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan Sawirka/ Google

“Insha allah, mar dhaw, idinka Alle, Waxan ka furan halkaasi safaaradeena ,” ayuu ri madaxweyne Erdogan.

Laba toddobaad ka hor, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu u aqoonsaday magaalada Quddus in tahay Caasimadda Isra’iil.

Israa’iil ayaa soo dhawaysay go’aanka Mareykanka ee ay ugu aqoonsatay Quddus Caasimmadda Isra’iil. Go’aanka Madaxweyne Trump ayaa waxa cambaareeyay hogaamiyaasha dunida Islaamka iyo ururo caalamiya iyagoo sidoo kale ugu baaqay inuu ka laabto go’aankiisa.

Toddobaadkii tagay madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha caalamka isaga oo ka hadlayay shirkii Ururka Iskaashiga Islaamka in ay ka fiirsadaan aqoonsigooda Isra’iil kaddib go’aankii maamulka madaxweyne Trump ugu aqoonsada Quddus in ay noqoto Caasimadda Isra’iil.

Qaraar laga soo saaray shirkii Ururka Iskaashiga Islaamka ee dowladda Turkigu marti gelisay ayaa loogu aqoonsaday barriga magaalada Quddus in ay tahay Caasimmadda Falastiiniyiinta iyadoo waddamada caalaamka sidoo kale loogu baaqay in ay aqoonsadaan dowladda Falastiina iyo barriga Quddus Caasimadda Falastiin.