Dowladda Turkiga oo Ciidan si gaar ah u tababaran u dhisaysa Soomaaliya

733

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay ka taageereyso Amaanka islamarkaana Ciidamada Milatariga ah ee ay tababarto ay ku dareyso Ciidamada sida gaarka ah u tababaran.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar oo Wareysi siiyay Wakaaladda Turkiga ee AA,ayaa sheegay in howlaha Turkiga ee gudaha Soomaaliya aysan ku jirin tartan uu Waddamo kale kula jiro.

Waxaa kale oo uu Turkiga meesha ka saaray in uu faragelin ku sameeyo arrimaha gudaha Soomaaliya,Mr Bekar ayaa sheegay in Soomaaliya ay ahayd dal dagaallo sokeeye la dageen Turkigana gacan qabasho kaliya u tagay Soomaaliya.

Waxaa uu beeniyay eedaha Waddamada qaar ee sheegaya in Turkiga uu Waddamada qaar kula tartamayo wax u qabashada Soomaaliya.

Danjire Bekar ayaa sheegay in ay jiraan Waddamo badan oo Soomaaliya taageera hayeeshee Turkiga uu uga duwanyahay in uusan wax dan gaar ah iyo tartan Waddamo kale ka lahayn gudaha Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM la’aantood ayuu sheegay in Soomaaliya ay dhibaato geli lahayd,waxaa uu xusay in Turkiga uu Saldhig Ciidan ka dhisay Muqdisho kaas oo lagu tababaro Milatariga Soomaaliya,waxaa kale oo uu intaas raaciyay in Dowladda Turkiga ay tababarto Booliska Soomaaliya haddana qorshaha ku jirto tababaridda Ciidamada sida gaarka ah u tababaran.

Howlaha  kale ee Turkiga ee ka socda Soomaaliya ayuu sheegay in ay qaabilsan tahay Hay’adda TIKA,waxaana ka mid ah dhismaha Xarun KMG ah oo Baarlamaanka ku shaqeeyo,marka la dhameytirana la billaabo dhismaha xarunta Rasmiga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Diyaarinta Biyaxireenno loo sameynayo labada Wabi ee Jubba iyo Shabeelle iyo dhismayaasha jidadka qaar,waxaana uu intaas ku daray in Mashaariicda TIKA ka fuliso Caalamka ay Soomaaliya ka mid tahay Waddamada ugu badan ee laga fuliyo.