Dowladda Soomaliya oo sheegtay in Cabdirashiid Janan uu xabsiga ka baxsaday

607
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii hore Cabdirashiid Janan iyadoo sheegtay in loo haysto dambiyo culus. Sawirka: Jubbaland tv

Muqdisho – Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur “Janan” uu ka baxsaday saaka xabsiga uu ku xirnaa.

“Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga, inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan”.

Taliye ku xigeenka Booliiska Soomaaliya G/Guuto Zakiya Xuseen ayaa barteeda Twitter qoraal ay soo dhigtay ku xaqiijisay in Cabdirashiid Janan uu ka baxsaday halkii uu ku xirnaa.

Taliye ku xigeenka ayaa sheegtay in ciidanka Booliiska ay ku raad joogaan Cabdirashiid Janan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii hore xirtay Cabdirashiid Janan, iyadoo sheegtay in loo haysta ” Dambiyo culus”.