Muqdisho (UM) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in ay si rasmi ah u xirtay xabsigii Godka jilacoow ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka amniga dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed
Maxamed Abuukar Isloow oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexdeeda ayaa sheegay in cabasho uga timid dadweynaha darteed ay wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya go’aan ku gaartay in xabsigii laga bedello, lagana dhigo xarun ay ciidamada nabad sugidda ay tababar ku qaataan laguna baro la dhaqanka bulshada iyo xuquuqul insaanka.
Wasiirka Ducaale ayaa sheegay goobtaan oo ahayd meel ma sawir xun laga haystay ay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo ay dadaal dheer u galeen in la xiro magacana laga bedello isagoo sheegay in loo bixiyay Akaademiyadda Jilacoow.
Wasiirka Isloow ayaa sidoo kale sheegay in hadda kaddib dadka la soo qabto ama la soo xiro lagu geyn doono xabsiga dhexe iyo saldhigyada booliiska.
Wasiirka Caddaaladda Xasan Xuseen Xaaji oo sidoo kale goobta ka hadlay ayaa sheegay in hadda kaddib Xarunta Xabsiga Godka Jilacow laga dhigay Xero tababar oo ciidamada Nabad sugidda sigaar ah loogu tababari doono arimaha sareynta sharciga iyo xuquuqul insaanka.
Godka Jilacoow ayaa ahaa xabsi caan ah iyadoo inta badan dadka ciidamada amnigu soo qabtaan lagu xiro oo in muddo ah lagu hayn jiray.