Dowladda Soomaaliya oo xirtay Mukhtaar Roobow

488
Mukhtar Robow

Muqdisho (UM) Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ahaa Musharax u taganaa doorashada hoggaanka Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya, horeyna uga tirsanaa hoggaanka sare kooxda Al-Shabaab ayaa maanta ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku xireen magaalada Baydhabo.

Mukhtaar Roboow ayaa Ciidamada nabad ilaalinta Itoobiya ee ka mid ah hawlgalka Amisom iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku qabteen gurigiisa magaalada Baydhabo, kaddibna diyaarad loo soo saaray magaalada Muqdisho oo goor dhawayd la keenay.

Xariga Mukhtaar Roobow ayaa waxaa ka dhashay isku dhacyo rabshado wata oo u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo taageerayaashiisa. Lama oga qasaraha dhabta ah ee ka dhashay isu dhacdadaan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeedbana wali war rasmi ah kama soo saarin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Oktoobar war ka soo saartay musharaxnimada Mukhtaar Roobow kaasi oo ay ku sheegtay in uusan u tartami Karin xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed sabab lagu sheegay jn shurudihii la galay ee xayirada looga qaaday uusan buuxin.

SHARE