Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay xariga Mukhtaar Roobow

1280

Muqdisho(UM) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray xarigga Mukhtaar Roobow Cali ( Abuu Mansuur) oo maanta Ciidamada dowladdu ay xireen.War ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay xarigga Mukhtaar Roobow.

“Wasaaradda Amniga Gudaha iyadoo tixraacaysa War-saxaafadeedyadii hore uga soo baxay bishii October 04,dii 2018ka iyo 12ka December 2018ka, ee ku salaysnaa in aan muwaadin Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin shuruudihii ku xirnaa iyo heshiisyadii lala galay dowladda si looga qaado dhamaan cuna qabatayntii saarnayd. Shuruudahaas oo ay ka mid ahaayeen;” ayaa lagu yiri warka soo baxay wasaaradda amniga.

Wasaaradda amniga ayaa sheegtay in iyadoo gudanaysa waajibaadeekda dastuuriga ah, ay dadaal dheer u gashay sidii Mukhtaar Roobow ay ugu qancin lahayd in uu dib uga fiirsado talaabooyinka uu kaga hor imaanayo dhamaan shuruudihii lala galay ee ku salaysnaa xasiloonada, kala dambaynta iyo nidaamka dowladnimada sida lagu xusay warka ka soo baxay wasaaradda.

“Nasiib darro, wuxuu billaabay inuu soo geliyo hub iyo dagaalyahanno magaalada Baydhabo, wuxuuna abaabulayey ciidan uu ugu talo galay handadaad iyo khalkhalgelin ka dhan ah amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada baydhabo, taas oo muujinaysa in aanu Mukhtaar Rooboow marnaba ka tanaasulin fikirkiisii xag-jirnimada ahaa diyaarna u yayahay in uu mar kale dhibaateeyo shacabka Soomaliyeed.

“Hadaba, iyadoo Wasaaradda Amnigu digniino hore uga soo saartay fal-dembiyeedyada Roobow faraha kula jiro, waxay maanta oo taariikhdu tahay 13 Decembar 2018ka soo xirtay muwaadin Mukhtaar Roobow” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxday Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya.

Mukhtar Roobow ayaa maanta ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamada Amisom ee magaalada Baydhabo ku sugan ay soo xireen iyadoo kaddibna diyaarad ka soo qaaday magaalada Baydhabo ay keentay magaalada Muqdisho.

Xariga Mukhtaar Roobow ayaa waxaa ka dhashay isku dhacyo rabshado wata oo u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo taageerayaashiisa. Lama oga qasaraha dhabta ah ee ka dhashay isu dhacdadaan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeedbana wali war rasmi ah kama soo saarin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Oktoobar war ka soo saartay musharaxnimada Mukhtaar Roobow kaasi oo ay ku sheegtay in uusan u tartami Karin xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed sabab lagu sheegay jn shurudihii la galay ee xayirada looga qaaday uusan buuxin.

SHARE