Muqdisho – Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka dalka Kenya u fadhiya magaalada Muqdisho, Lucas Tumbo.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed Kheyr ayaa qaabilay safiirka Kenya isaga oo u gudbiyay qoraal cabasho ah oo Soomaaliya ay uga cabaneyso xadgudub lagu sameeyay 5tii bisha October hawada Soomaaliya kaddib markii ay diyaarad aan wax fasax ah wadin ka degtay garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo.
Warqad ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin xadgudub lagu sameeyo xuduudaha bari bad iyo hawo ee Soomaaliya. Kenya ayaa laga filayaa in ay jawaab ka bixiso xadgudubkaas ayaa warqadda lagu sii yiri.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa in tallaabadani ay ka hor imaaneyso dhammaan xeerarka daris wanaagga iyo faragalin la’aanta arrimaha gudaha dalalka dariska ah.
U yeeridda safiirka ee Soomaaliya ayaa waxaa sabab u ahaa diyaarad sidday siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dalka oo gaaray magaalada Kismaayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay usoo saartay amar diyaarad kasta oo tageysa Kismaayo ay kusoo mareyso magaalada Muqdisho.
Amarkaas ayaysan se diyaaradii ka soo kacday Nairobi u hoggaansamin taas oo keentay in dowladdu ay dacwo u gudbiso Hey’adda duulimaadka u qaabilsan Qarama Midoobay ee ICOA.
Tallaabadaan kale ee loogu yeeray safiirka Kenya ayaa noqoneysa tan labaad oo dowladda Soomaaliya ay ku muujineyso sida ay u diidan tahay ku xadgudubka hawada Soomaaliya.