Dowladda Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay gaareen dhinacyada Suudaanta Koonfureed

615

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhawaysay heshiiska rasmiga ah ee ay gaareen dhinacyada isku hayay Suudaanta Koonfureed kaddib shir aan caadi ahayn oo hal maalin ah oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa halkaasi oo uga qeyb galayo shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.

Shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ee aan caadiga ahayn ayaa looga hadlay heshiiska ay gareen mucaaradka iyo dowladda Suudaanta Konfureed iyo arrimaha amniga mandaqada iyadoo la filayo in maanta la soo gabagabeeyo.