Muqdisho (UM) – Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya aya isku afgartay in shir heerkiisu sareeyo oo ku saabsan xal u helida muranka taagan darbiga dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka u dhaxeeya labada dal, sidoo kalena la qaban doono maalinta talaadada ah (berri) shir looga arrrinsanayo arrintaan, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu arrinkan Guddi u xil saaray sida ay tabisay Wakaalada waraka dowladda Soomaaliya ee SONNA.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa u sheegay Wakaalada waraka in Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay isku afgarteen shir heer sare ah oo ku saabsan xal u helista muranka ka dhashay darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
“Waxaan xaqiijineynaa in shirka la isugu imaan doono 27ka bisha, ka horna la joojiyey dhismihii darbiga. Waxaan rajeynaynaa in xal waara aan ka gaarno arrinkan saameynta badan ku yeeshay nolasha bulshada magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandera.” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo ay soo xigtay Wakaallada wararka SONNA.
Waxaa maalmahaan ka taagan magaalada Beled Xaawo ee ku taalla Xuduuda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya kacdoono iyo bannaan baxyo dadka shacabka uga soo horjeedaan darbiga Kenya ay ka dhiseyso xudduuda.
Kenya ayaa ayaa darbi wayn ka dhisaysa xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo lagu eedeeyay in gudaha u soo gashay xudduuda Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa horrey waxa ugu socday dacwada ku saabsan muran baddeedka Soomaaliya oo dacwadeeda ay ka furan tahay maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ee magaalada Hague.