Muqdisho (UM) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay maanta in Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka si rasmi ah ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internet-ka Soomaaliya (dotSO ama .SO) oo ay maamuli jirtay Hay’ad ka madax bannaan dowladda federaalka.
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknooloojiyadda Soomaaliya ayaa sheegtay si rasmi ah lagu soo wareejiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo masuul ka ah maamulka Astaanta Qaranka sida uu qorayo qodobka 54-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in qeybta hore ee wareejinta ay ahayd heshiis 7- dii Maarso 2018 dhex maray Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadda Cloud Registry oo adeegyo farsamo siisa astaanta qaranka, halka qeybta dambe ee xil-wareejinta ay sameeyeen maamulkii hore ee SONIC oo haatan si buuxda ay ula wareegtay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.
Agaasimihii hore ee SONIC, Cabdiaziz Xuseen Cumar, oo xilkaas iska casilay, mas’uuliyaddana ku wareejiyey Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu muddo adeeggan u soo hayay dalka, ugu dambeyntiina uu mas’uuliyaddaas ku soo celiyo Dowladda.
Maareeyaha cusub ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay in sharciga isgaarsiintu uu qorayo in furaha taleefoonka (252) iyo astaanta internet-ka (dotSO ama .SO) ay yihiin hanti qaran oo ay qasab tahay in ay ku soo noqdaan gacanta dowladda, waxa uuna sheegay in ay tallaabo billow ah u tahay in hantidii qaranka dib loogu soo celiyo gacanta dowladda isaga oo sidoo kale ugu mahadceliyey Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknooloojiyadda waqtiga badan ee uu geliyey sidii ay u suurtogeli lahayd wareejintan.
Munaasabadda xil-wareejinta iy saxiixa heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, wasiirka xannaanada xoolaha, Sheekh Nuur Maxamed, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, iyo wakiil ka socday Xaafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, oo heshiiska u kala qaabilsanaa hubinta sharciga iyo xisaabaadka, waxayna gebogebo u ahayd hawl muddo dhan 10 bilood ah oo uu billaabay wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada 15-kii Abriil, 2017, laba toddobaad ka dib markii uu xilka la wareegay. Sida lagu shaaciyay qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa hormuud ka ahaa ansixinta sharciga isgaarsiinta oo muddo 12 sano ah qabyo ahaa. Sidoo kale wuxuu waqti badan geliyey in astaanta qaranka (dotSO) lagu soo wareejiyo gacanta dawladda, arrintaas oo iyaduna muddo sanooyin ah soo jiitameysay oo aan wax guul ah laga gaarin wixii ka horreeyay 8-da Maarso 2018.
Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii hore ansixiyay sharciga isgaarsiin Soomaaliya.