Waxaa weli su’aalo badan la iska weydiinayaa qaabka uu u socdo baaritaankaasi, iyadoo dowlada marar badan dib u dhigtay baahinta ama xogta halka uu marayo baaritaanka oo la sheegay in loo qabtay shaqsiyaad ay ku jiraan xubnihii weerarka fududeeyey iyo kuwii qeyb ka ahaa qaraxyada.
Wasiirka Amniga ee dowlada Federalka Maxamed Abuukar Islow(Ducaale) ayaa shaaciyey magacyada iyo sawirada dadka la qabtay oo kala ah:
1-Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) – Ninkan ayaa ku eedaysan inuu dusha ka hagayey kooxdan
2- Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) – Ninkan ayaa ku eedaysan inuu yahay madaxa qaraxyada Gobolka Banaadir. Ninkan ayaa la sheegaya inuu kamid ahaa hawlwadeenada shirkada Hormuud. Walow shirkadaasi aysan weli ka hadal xarigiisa iyo kiiska ninkan lagu heysto.
3- Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay.
4- Ali Yusuf Waceys (Ducaale) – Ninkan ayaa la sheegay inuu ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu isku qarxiyo gaarigii labaad ee Noohada ku qaraxday xaafada Madiina.
5- Abdullahi Abdi Warsame
Dhinaca kale ninkii naftiisa haligay ummadana xasuuqay ayaa magaciisada lagu sheegay Maadey (Cismaan Xaaji).
Xasuuqii 14kii Oktoober oo ay dadka badan ku dhinteen ayey dowlada ku eedaysay kooxda Al shabaab oo iyadu ka gaabsatay inay sheegato weerarkaasi oo la sheegay in kooxdaasi la damacsaneyd xarunta Xalane iyo Ayraboorka Muqdisho ee Adan Cade.