Muqdisho – Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku oggolaadeen in dib loo furo dhammaan adeegyadii loo hakiyay sababo la xiriira faafitaanka Cudurka Corona Fayras.
Shirka ayaa lagu shaaciyay in Duullimaadyada heerka Caalami ee dalka dib loo billaabayo Agoosto 03, 2020, sidoo kalana waxaa golohu oggolaaday in dib loo furo Iskuulaadka iyo Jaamacadaha dalka bisha Agoosto 15, 2020.
Go’aanka Golaha Wasiiradda Soomaaliya ee qaadida xiyiraada Corona Fayras ee dhammaan adeegyada lagu macneeyay saameynta xanuunka Covid- 19 oo hoos u dhacay, waxaana goloshu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka taxadaraan wareegga labaad ee COVID19.