Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka weydiisatay taagero Militeri

1021

Kooxda al-Shabaab ayaa la sheegay in Soomaaliya ay ka wado qodista macdanta yuraaniyaamka ‘uranium’ si ay uga iibsadaan dowladda Iiraan.

Goobta al-Shabaab ay qodista uranium-ta ka wado ayaa lagu sheegay inay tahay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Warqad qarsoodi ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya, kuna saxiixanaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, loona diray safiirka Maraykanka ee Stephen Schwartz.  Soomaaliya, waxaa looga codsaday in dowladda Soomaaliya laga gacan siiyo sidii arrimahaas ay wax uga qaban lahayd.

Warqaddan oo soo baxday 11-kii bishii hore ee August oo ay  heshay nuqul ka mid ah warbaahinta Ummadda Media, ayaa waxaa lagu sheegay in AMISOM aysan awood u lahayn inay arrimahan dowladda ay ka caawiso.

“AMISOM nagama caawin karto arrintaan. awoodooda Ku aadan ciribtirka al-Shabaab iyo Daacish waa ay xadidan tahay. Kaliya Sirdoonka iyo awoodaha dagaal ee Mareykanka ayaa arintan inaga caawin Kara” ayaa lagu yiri warqadda Soomaaliya ay u dirtay Maraykanka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington Axmed Cawad ayaa u sheegay telefishinka Fox News oo Mareykanka laga leeyahay in warqadaani ay saxtahay, uuna soo saaray wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya si looga codsado dowladda Mareykanka in ay Soomaaliya ka gacansiiso dhanka sirdoonka iyo militariga ee ku aadan arrintani.
Dowladda Mareykanka oo bixisa dhaqaallaha ugu badan ee hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya ayaa sidoo kale tababaro iyo latalin dhanka militariga ah siisa Ciidamada Soomaaliya.