Dowladda Soomaaliya oo maanta dib u fureysa Duullimaadyada caalamiga ah

120

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib u fureyso muddo 4 bilood kaddib ah duullimaadyada caalamiga ah ee dalka imaan jiray.

Duullimaadyada heerka Caalami ee dalka ayaa dib u billaabaya maanta Agoosto 03, 2020.

Duullimaadyada la fasaxay ayaa waxan ku jirin diyaaraha khaadka ama Miraaga ka keeni jiray dalka Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laba mar ka celisay labo diyaaradood oo khaat waday. Waxay Dowladdu sheegtay in ay ku xadgubeen xiyaarada calaamiga ah ee loo soo rogay cudurka safmarka ah ee Covid- 19.

Toddobaadkii hore ayaa Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku oggolaadeen in dib loo furo dhammaan adeegyadii loo hakiyay sababo la xiriira faafitaanka Cudurka Corona Fayras. Waxaa sidoo kale dib loo furayaa 15 bishaan Ogoosto Jaamacadaha iyo Iskuulaada dalka.

Go’aanka Golaha Wasiiradda Soomaaliya ee qaadida xiyiraada Corona Fayras ee Duullimaadyada caalamiga ah iyo dhammaan adeegyada muhiimka ah ayaa lagu macneeyay saameynta xanuunka Covid- 19 oo hoos u dhacay.

Dadka dalka bannaanka ama dibadda u safraya ayaa laga doonayaa inuu maro baaritaan ah inuusan qabin xanuunka. Waxaa la rabaa inuu wato shahaado caddeeynasa inuusan xanuunka Corona Fayras qabin, waana baaritaan la sameeyay 72 saacadood ka hor inta uusan qofku dhoofin.

SHARE