
Wasiirka difaaca ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in maalinta berri ah, kuna beegan 12-ka April ay si rasmi ah ula wareegi doonaan ciidamadii ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta.
Waxa uu sheegay wasiirka in la diyaariyey hadda qorshaha ciidamadan iyo sidoo kale Lambaradooda, lana siin doono maalinta berri ah.
Dowladda Imaaraadka ayuu wasiirka uga mahadceliyey tababarka ay ciidamadan siisay iyo sidoo kale ka qeybqaadasha dhismaha xerada tababarka ee Jeneraal Gordon oo ah xero lagu tababaro ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
“Tirakoobkii ayaan sameennay, waxaan rabnaa inaan ku aaddinno 12-ka April ciidanka ay hadda tababareen Imaaraadka laakiin ka tirsan xoogga dalka waxaa la siin doonaa lambar, mushaarkoodana waxaa mas’uul ka ah dowladda federaalka, dugsigaasi waa mid Tababar ah, mushaaraadka la siiya waa mid KMG ah, kadibna dowladda ayaa la wareegeysa, waxaan siinta Lambarada ku aadin doonnaa maalinta ciidanka xoogga dalka ee 12-ka April oo ku beegan maalinta berri ah, waajibkeenna waa in mushaarka ciidankeenna bixinno, waa mas’uuliyad ina saaran, dowladda Imaaraadka waan ugu mahadcelineynaa tababarka ay siisay ciidankaan iyo kaalinta ay ka qaadatay furitaanka xeradan” ayuu yiri wasiirka.
Imaaraadka Carabta ayaa tabobar siiyey askar badan oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, wuxuuna bixin jiray mushaarka ciidamada ay tababaraan.
Hadalka wasiirka ayaa waxaa uu imaanayaa ayadoo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu marayo marxalad adag.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay Imaaraadka Carabta ugu dacwaysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayadoo ay Ku eedaysay in dalka Soomaaliya ay Ku hayso faro galin siyaasadeed.
Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay Ku xad gudubtay madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya ka dib markii shirkadda DP World ee Imaaraadka laga leeyahay ay heshiis la gaartay maamulka Soomaaliland ayadoo dowladda Soomaaliya wax ogolaansho ah aysan ka haysan.
Hoos ka dhagayso codka wasiirka

























