Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay hadalkii Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni

854

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa hadal uu jeediyey ku sheegay inay jiraan dalal badan oo aan laheyn dowlad maamusha, isagoo tusaale u soo qaatay Soomaaliya. Yoweri Museveni ayaa hadalkan ka sheegay shir sanadeedka Hey’adda Garsoorka Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya aanay laheyn dowlad maamusha.

Museveni ayaa khudbadiisa ku sheegay in Qaranimada ama Dowladnimada ay tahay mid ka duwan Dalka iyo Dadka, isagoo sheegay in Soomaaliya u tusaale ahaan usoo qaadanayo, Dad iyo Dal aan lahayn Dowladnimo ama Qaranimo shaqeenaysa, isagoo hadalkiisa sii raaciyey inay jiraan wadamo kale oo noocaas ah balse uu ka gaabsanayo inuu sheego dalalkaasi kale arrimo diblumaasayideed darteed.

Dowladda Soomaaliya ayaa u jawaabtay hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Uganda, sheegtayna in n la ogyahay in Soomaaliya ay ka jirto dowlad la aqoonsan yahay. Warka ka soo baxay Museveni ay ku tilmaamtay dowladda Somaaliya inuu yahay nin iska hadlay, ayna wixii jawaab ah si gaar ah ula wadaagi donaan dowladda Uganda.

Hadalkan ayey si weyn uga fal celiyeen Soomaalida wax ku qorta baraha bullshada iyagoo ku tilaamay hadalka Madaxweynaha Ugandha oo ciidamadiisa joogaan dalka Soomaaliya mid gef ku ah qaranimada Soomaaliya.  Hase ahaatee dad kale ayaa sheegaya inay gar u arkaan hadalka Museveni iyagoo qiil uaga dhigay inuu arkay in Dowladda Soomaaliya xilligan jirta aanay laheyn awood ay ku maamumo dalka guud ahaan, ayna ku tiirsan tahay Ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika oo ciidamada ugu badan ay ka yimadeen wadanka Uganda.

Qaar kamid ah Soomaalida ka jawaabay hadalka Museveni ayaa sheegay in dalka Soomaaliya marar badan wax u qabtay iyagoo qaarkood xasuusiyey Museveni in Dowlada Soomaaliya ahayd tii xabad joojinta dhex dhigtay Ugandha iyo Tanzania sanadkii 1972.

In badan oo kamid ah Soomaalida u jawaabtay Museveni ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay ka jirto dowlad si dimuquraadi ah ku timid balse isagu uu yahay Kali-Taliye dalkaasi kasoo talinayey muddo ka badan 32 sano.