Dowladda Soomaaliya ayaa war saxafadeed ay soo saaray uga jawaabtay shirkii jaraa’id ee maanta uu Muqdisho ku qabtay Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hadda hoggamiya dallad ay ku mideysanyihiin xisbiyadda mucaaradka. Shirka jaraa’id ee madaxweynihii hore ayuu uga hadlay xiisad ka dhalatay safar ay ku tageen magaalada Beledweyne oo diyaaradii siday wafdi uu ka mid ahaa madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud aanay suurtagalin inay isla markiiba ka dagto garoonka diyaaradaha Beledweyne, midaas oo dowladda Soomaaliya ay ku micneysay cimilada oo aan wanaagsaneyn, halka wafdiga xubnaha mucaaradkana ay sheegeen in si ula kac ah la isku dayey in laga hor istaago.
Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku tilmaamay hadalada kulul ee ka soo baxay maanta Sheekh Shariif Sheekh Axmed kuwo la yaab iyo lama filaan ku noqday.
Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku tilmaamay hadalada kulul ee ka soo baxay maanta Sheekh Shariif Sheekh Axmed kuwo la yaab iyo lama filaan ku noqday.
“Warka ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waa mid la yaab iyo filanwaa ku noqday ummada Soomaaliyeed kaas oo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada qof hore dalkaan xil astaan qaran u soo noqday.”ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in dowladda Soomaaliyeed, Madaxdii hore ee qaranka iyo cid kasta oo dooneysa horusocodnimada dalka ay waajib ka saaranyahay ilaalinta midnimada, bad qabka iyo amniga guud ee dalka.
Jawaabta Wasiirka warfaafinta ayaa imaneysan kadib markii madaxweynihii hore Soomaaliya uu maanta hadal jeedin uu sameeyay kadib markii wafdiga uu hogaaminayey ay ka soo laabteen magaaladda Beledweyne uu ku sheegay in hadda wixii ka dambeeya aanay dulqaadan doonin.