Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadashay weerar madaafiic ahaa oo lagu soo qaaday xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay falka foosha xun ee fuleynimada ahaa oo lagu soo beegay maalinta Xornimada oo ah maalin u dabaal dagayaan shacabka iyo qarankaba.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo ku qornaa afka English-ka ayaa loogu tacsiyadeeyay dadkii noloshooda ku waayay, isla markaana dadkii ku dhaawacmay u rajeysay in ALLE uu si deg-deg u caafiyo. Mid ka mid ah madaaficida aya ala sheegay in uu ku dhacay Dugsi Qur’aan ay carruur dhiganeysay, kaasi oo khasaaraha ugu badan geystay.
Madaafiicda ayaa saddex ka mid ah ku dhacay xaafado u dhow Xarunta AMISOM ee Xalane, waxaana ku dhintay afar qof, halka sideed kale ay ku dhaawacmeen.
Madaafiicda shalay ku dhacday xaafado ka tirsan degmada Wadajir ayaa waxaa uu ku soo aaday, iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdeen dabaal degga xuska 1-da Luulyo oo ku beegan markii Gobolada Koofureed ay qaateen Xornimada iyo midowgii Gobolada Koofur iyo waqooyi.
Maleeshiyada Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Madaafiicda ahaa ee shalay, waxaana ay tilmaameen inay la beegsadeen Xarunta AMISOM ee Xalane