Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay cilad ku timid internet-ka Fiber Optic

44

Muqdisho – Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa ka hadlay cilad ku timid internet ugu wayn Koonfur iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay bixiso Shirkadda Dalkom.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ayaa uga mahadcelinayay Shirkadda SOMTEL oo degdeg uga jawaabay baaqii dowladda ee ahaa helitaanka xarigga labaad ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay inuu shaqo billaabay Khadka Xarrigga Internet-ka ee DARE1 (Djibouti Africa Regional Express 1) oo noqonaya xariggii labaad ee Internet-ka ee magaaladda Muqdisho ka howlgala.

Waxaa uu sheegay Xarriggan cusub inuu xoojin fiican u noqon doono xariggii hore ee Internet-ka ee ka shaqeynayey magaalada iyo koonfurta dalkaba.

Shirkadada Hormuud oo ah shirkadda ugu wayn ee bixisa adeega internet-ka magaalada Muqdisho iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegtay in ay cilad ku dhacday internet xaraga badda hoos mara ee ay bixiso, haddana ay shaqo ka socoto.

Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya waxaa uu sheegay sidoo kale in dalka uu soo gaarey oo howl bilaabay Markabkii xallin lahaa cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM taariikhdu markii ay ahayd 26 July 2020.

Waxaa uu sheegay in Kooxda farsamada ee la socota markabkan ay howshooda ku soo gebogabeyn doonaan muddo kooban, taas oo cirriiri gelin doonto isticmaalka Internet-ka ee xarriggaas mudadaas kooban.

Waxa ay 25 bishii July markii internet-ka uu ka go’ay inta badan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya taasi oo uu maqnaa muddo maalmo ah.

SHARE