Dowladda Soomaaliya oo ciidamo Booliis ah geysay magaalada Baydhabo

696

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta gaaray maagalada Baydhabo ee xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya diyaarad sida ku dhawaaad 50 askari oo ciidamo booliis ah.

Ciidadaman Booliiska ah oo la sheegay in ay yihiin kuwa sida gaar ah u tababaran ayaa waxa diray dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la sheegay in ujeedadoodu tahay in ay qaby ka noqdaan ama lagu xoojiyo ciidamada booliiska Koonfur Galbeed.

Wasaaradda Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ka soo saartay dhawaan xaalaada amniga ee maagalada Baydhabo, iyadoo sheegtay in ay jiraan Shaqsiyaad ku howlan handadaada bulshada iyo faldembiyeedyo ka dhan ah xasiloonida iyo degenaanshaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalada Baydhabo, sida lagu shaaciyay warka soo baxay wasaaradda amniga.

Ciidamada maanta dowladdu geysay magaalada Baydhabo ayaa abuuray xiisad siyaasadeed iyo tuhun ah ujeedada ciidamadaan ka dambaysa.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dowladda ugu baaqay in ay ciidamada ay geysay magaalada Baydhabo ay ku soo celiso magaalada Muqdisho.

Waxaa dhawaan la filayaa magaalada Baydhabo ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo loo qorsheeyay in ay dhacdo 5 bishaan Diseembar.