Dowladda Soomaaliya oo bilaabaysa bixinta shatiga Diyaaradaha

84
Maxamed Cabdullaahi Salaad ( Oomaar) Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada Soomaaliya.

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan la filayaa in ay billowdo bixinta leesinka ama ruqsada diyaaraaha tan iyo burburkii dowladdii Dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ” Oomaar” oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay shalay Muqdisho Muqdisho sheegay in dhawaan markii ugu horreysay dowladda Federaalka Soomaaliya ay bixin bixin doonto leesinka diyaaraha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.

” Waxaan rajaynaynaa in mar dhaw uu Madaxweyuhu bixin doono ruqsad Sam leesinkii ugu horreyay ee diyaarad Soomaaliya ka diiwaan gashan la siiyo” ayuuri wasiir Oomaar.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay dowladda Soomaaliya Awood u yeelan doonto bixiso ruqsada ama leesinka Diyaaradaha ku dhagan.

” Diyaaradda Soomaali Airlines soo noqoshadeeda waxyaabaha ku xiran waxaa ka mid ah in dowladda Soomaaliya ay bixin karto Airline Registration ama shati bixinta diyaaraha” ayuu raaciyay Wasiir Oomaar.

Shirkadda Diyaaradaha ee hadda ka hawlgala Soomaaliya ayaa ka diiwaan gashan ama shati ka haysta inta badan dalka Kenya iyo dalal kale. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay saxiixay Sharciga Duulista Rayidka Soomaaliya.

SHARE