Dowladda Soomaaliya oo baajisay muxaadaro Sheekh Umal Muqdisho ku qaban lahaa

1395
Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Sawirka: Villa Somalia

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay gabi ahaanba la baajiyay muxaadaradii berri oo Axad ah uu garoonka ku badda cagta Injeer Yiriisow ee magaalada Muqdisho uu ku qaban lahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa xaqiijisay in dowladdu ay baajisay muxaadaradaasi. Waa markii labaad oo la baajiyay muxaaradada Sheekh Umal. Shalay jimce ahayd ayaa lagu waday in la qabto balse dood badan oo ka dhalatay ayaa la baajiyay.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in markii Sheekh Umal uu fiiriyay duruufaha Ku xeeran muxaadarada uu codsaday in la baajiyo dowladduna ay ku raacday. Wasiirku waxa uu sheegay in Sheekh Umal uu magaalada Muqdisho uu ku qaban doono Barnaamijyo kale oo wacyigelin ah kuwaasi oo uu sheegay in warbaahinta qeybaheeda kale duwan laga baahin doono.

Dood kulul iyo bannaanbaxyo ayaa ka dhashay muxadaraasi oo horey loo qorsheeyay in jimcihii shalay la qabto, kaddib markii Sheekh Cabdulkhaadir Soomow oo ka mid ah Culimada Ahlusuna uu si adag uga hadlay kana soo horjeeday muxaadarada Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Sheekh Cabdulqaadir Soomoow ayaa muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada ku eedeeyay Sheekh Umal in uu gaallo u yaqaano dariiqada Suufiyada, sidoo kale bulshada ugu baaqay in ay ka soo horjeestaan muxaadaradiisa. Sheekh Umal ayaa dhankiisa beeniyay eedeymaha loo jeediyay.

Muxaadarada Sheekh Umal ayaa dood badan iyo hadal hayn ka dhexdhalisay dadka isticmaala baraha bulshada, halka qaarna fikirka dariiqada culimada Suufiyada la safteen, kuwa kalena taageereen in la qabto muxaadarada.

Hoos ka daawo war saxafadeedka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Diinta