Dowladda Soomaaliya iyo QM oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo cusub

70
Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo cusub. Photo: UNSOM/ Twitter

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xaafiiska Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi oo cusub, kaas oo hagi doona sida Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay u wada shaqayn doonaan shanta sano ee soo socota si dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u gaaraan nabad, xasillooni iyo barwaaqo.

Munaasabad lagu saxiixayay heshiiska “Iskaashiga Horumarinta Waarta” ee Qaramada Midoobay (UNCF) – ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda heshiiskaan lagu saxiixday ayaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Qorshaynta, Jamaal Maxamed Xasan.

Waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo Isku Duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula.

Heshiiska cusub ee UNCF ayaa baddali doona heshiiskii hore ee isaga oo kale ahaa, kaas oo waqtigiisu ku eg yahay dabayaaqada sanadkan.

“Tan iyo markii la saxiixay Heshiiskii Iskaashiga Istiraatiijiyadda ee Qaramada Midoobay bishii December 2017, Soomaaliya waxay horumar wax-ku-ool ah ka samaysay hayaanka ay ugu jirto xoojinta nabadda iyo gaarista horumar waara oo loo dhan yahay, iyadoo kaashanaysa taageerada adag ee Qaramada Midoobay,” ayuu yiri James Swan ka hadlay xaflada saxiixa heshiiska.

Heshiiska UNCF wuxuu ka turjumayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay uga wada go’an tahay inay wada shaqeeyaan si loo taageero Hiigsiga 2030 ee Horumarka Waara iyo Himilooyinka Horumarka Waara (SDGs).

Raisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa ammaanay dadaallada Qaramada Midoobay wuxuuna sheegay inuu quuddarraynayo xoojinta iskaashiga dowladda ay la leedahay Qaramada Midoobay si wax looga qabto caqabadaha qallafsan ee ku hor gudban dhinacyada nabad-dhisidda, hourmarinta iyo banii’aadannimada.

“Waxaan soo dhowaynayaa sida cad ee Qaramada Midoobay uga go’an tahay taageeridda mudnaanaha horumarinta Qaranka ee Soomaaliya iyadoo loo marayo iswaaafjainta tooska ah ee Heshiiskan cusub iyo Qorshaha Qaran ee NDP-9, iyo sidoo kale nidaamka isku duwista gargaarka,” ayuu yiri Raisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed.

Madaxda ka socotay Qaramada Midoobay iyo Dowladda iyo sidoo kale wakiillo ka socday bulshada dibloomaasiyiinta ayaa sidoo kale ka qeybgalay munaasabadda lagu saxiixay heshiiska.

SHARE