Warka ka soo baxay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka socdaalka IOM ayaa lagu sheegay in 17 Muwaadiniin Soomaali ah ay dib u celisay dalkooda, kuwaas oo laga keenan dalka Tanzania.
IOM ayaa sheegtay in dadkaasi Soomaliyeed ay ahayeen kuwo lagu qabtay dalka Tanzania, xilli ay qorshaynayeen in ay u ambaxaan dalka Koonfur Africa.
Sida lagu sheegay Warbixinta QM soo celinta muwaadiintaasi ayaa waxa iska kaashaday dowladaha Soomaliya iyo hay’adda IOM , iyadoona la sheegay inay dowladda Soomaaliya ka caawin doonto sidii ay mustaqbalkooda ugu dhisi lahaayeen gudaha dalkooda Hooyo.
Muddooyinkii dambe Dowladda Soomaaliya iyo hey’adda IOM ayaa soo celiyay Muwaadniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalal ay ka mid yihiin Liibiya, Yemen, Itoobiya iyo Tanzania.