Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga adduunka oo heshiis 80 milyan oo doollar ah kala saxiixday

570

Muqdisho (UM) – Dowladda Soomaaliya iyo bangiga adduunka ayaa maanta magaalada Muqdisho kula saxiixday heshiis 80 milyan gaaraya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bele iyo agaasimaha Bangiga adduunka ee Bariga Afrika, Bella Bird, ayaa si wada jir ah u saxiixay 80 Milyan oo doollar oo ah qaybtii hore ee mashruuca bangiga adduunka dowladda Federaalka Soomaaliya ugu deeqay.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Bangiga adduunku uu aad usoo dhaweeyay hannaanka dowladda Soomaaliya ay u fuliyeen hannaanka deyn cafinta kaddibna ay go’aansadeen in lagu abaal mariyo140 milyan oo doollar oo 80 milyan oo ka mid ah guddiga sare ee bank-ga adduunku uu dhawaan ansixiyay.

Agaasimaha Bank-ga adduunka ee bariga Afrika, Bella Bird ayaa munaasabadda lagu saxiixay heshiiska 80 miylan ee doollar ah ka sheegtay in Bangiga adduunka uu aad ugu amaanayo dowladda Soomaaliya sida ay xil isaga saartay horumarinta dhaqaalaha iyo geedi socodka hannaanka cafinta deymaha.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in heshiiska maanta iyo heshiiskii kale ee ka horreyay ee dowladdy la saxiixatay Midowga Yurub in ay muujinayaan dadaalka xoogga badan ee ay dowladdu ay ku doonayso in ay dib ula fal-gasho caalamka.

Heshiiska maanta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga adduunka kala saxiixdeen ee gaaraya 80 milyan ee doollar lagu hormarin doono qeybaha horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.