Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah ka soo saartay go’aankii dowladda Kenya ee ku aadanaa in duulimaadyadii diyaaraha Muqdisho iyo Nairobi tooska u aadi jiray loo leexiyay magaalada Wajeer.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay go’aankaas mid culeys lagu saarayo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay sheegtay in arrintaan mid siyaasadeysan ay tahay oo aan u wanaagsanayn xiriirka derisnimo, is afgaradyadii hore ee labada dowladood ka dhaxeeyay, ganacsiga iyo isu socodka labada shacab.
Dowladda Federaalka waxa ay sheegtay in ay xiriir la samayn doonto Hey’adaha ay khuseyso arrintaan,iyadoo qiimeynaysa talaabadda ku haboon ee ay qaadayso.
War qoraal oo ka soo baxay Hey’adda duulista hawada Kenya ayaa lagu amaray dulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi aadi jiray in ay mari doonan magaalada Wajeer si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo inta aysan u gudbin Nairobi.
Lama oga tallaabada dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadi doonto haddii Kenya ku adkaysato go’aanka ay dulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi ugu leexiyay magaalada Wajeer.