Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in ay kordhinayso Miisaaniyadda Gaashaandhigga sanadka soo socda. Miisaaniyadda Gaashaandhigga Shiinaha ayaa noqonaysa 175 bilyan oo doollar.
Miisaaniyadda Gaashaandhigga iyo milateriga oo boqolkiiba 8 la kordhiyay sanadkii hore ayaa lagu shaaciyay shirka sanadlaha ee Baarlamaanka Shiinaha oo magaalada Beijing ka socda.
Ra’iisal wasaaraha Shiinaha Li Keqiang ayaa sidoo kale doonaya in boqolkiiba 6.5 kobaca dhaqaalaha waddanka la gaarsiiyo.
Waxaa sidoo kale la filayaa in Xisbiga talada haya ee (NPC) qaadaan ama ansixiyaan qodobka xaddidaya in Madaxweynaha laba sanno oo kaliya uu xaafiiska hayn karo, taasi oo u suurta gelinaysa Madaxweyne Xi Jinping uu xilka madaxtinimo sii hayn doono waqti aan cayinayn.
Baarlamaanka Shiinaha ayaa aad u soo dhaweeyay tallaabadaan qodobka la soo jeediyay ee dastuurka wax looga beddelayo, iyagoo u cod u qaadi doono 11-ka bishaan Maarso.