Dowladda Sacuudiga oo xabsiga ka siidasay Amiir khaled bin Talal

492

Amiir Sacuudi ah oo loo xiray dhaliisha hawgalka ka dhanka musuqmaasuqa ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay in la xabsiga laga sii daayay.

Ehelada amiir Khaled bin Talal ayaa sawirro ku faafiyay baraha bulshada, oo ay u badan tahay in la qaaday toddobaadkaan
, kuwaasi oo muujinaya Amiirka oo salaamaya qoyskiisa.

Amiirka, oo xirnaa muddo sanad ku dhaw, ayaa adeer u ah boqor Salmaan.

Walalka amiir Khaled, amiir Alwaleed bin Talal, ayaa ka mid ahaa daraasiin amiiro iyo shaqsiyaad sare sare isugu jira oo loo xiray arrimaha musuqmaasuq sanadkii hore.

Talaabaddaan ayaa imaanaysa iyadoo uu sii kordhayo cadaadiska saarandhaxal sugaha Sacuudiga boqor Mohammed bin Salman ee ku saabsan dilkii Suxufiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi.

Laakiin wargeyska Wall Street Journal ayaa ku warmay Amiir Khaled 11 bilood xabsiga ku jiray oo u xirnay dhaliisha in ka badan 200 amiir,wasiirro iyo ganacsato loo xiray eedeymo musuqmaasuq.

Dadka wax fallanqeeya ayaa ku tilmaamay hawgalka isku day uu kuu doonayo dhaxal sugaha Sacuudiga inuu awooddiisa ku xoojiyo.

SHARE