Dowladda Sacuudiga oo qiratay in Jamal Khashoggi lagu dhex dilay Qunsuliyadda Istanbuul

532

Muqdisho (UM) – Talefeeshinka ku hadla afka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah caawa u baahiyey geerida suxufigii Sacuudiga ahaa ee la weysanaa ilaa iyo labadii bishan October kadib xilligaas oo uu Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul u doontay warqaddo si uu u guursado xaas cusub.

Warkan uu baahiyey Talefeeshinka boqortooyada ayay dowladda Sacuudiga ku qiratay geerida suxufigani iyagoo sheegay in markii uu Qunsuliyadda soo galay Jamal Khashoggi uu halkaas dagaal ku dhex maray dad horey u sii joogay Qunsuliyadda kadibna uu sidaasi ku geeriyooday.

Dowladda Sacuudiga ayaa sidoo kale baahisay in xilalkii laga qaaday taliyihii nabadsugidda Jeneraal Axmed Al-Asiri iyo sidoo kale mid ka mid ah la taliyeyayaasha ugu awooda badnaa dhaxal sugaha, oo lagu magacaabo Saud Al-Qahtani. Labadda ninba ayaa shaqo ka eryidooda lala xiriirinayaa dilka wariyaha. Waxaa sidoo kale isla warkan lagu shaaciyey in sideed iyo toban qof oo u dhashay Sacuudiga oo dhacdadan iyagana loo soo xiray .

Warkan oo kelliya daaha ka rogay baaritaano horudhac ah oo la sameeyay kadib  dhacdadii lagu dilay wariyaha ayay dowladdu baahisay xilli xiisadda iyo dareenka caalamka ee ku aadan geeridda suxufigani ay marayso heer xasaasi ah midaas oo keentay inay qaar badan oo ka mid ah dowladdaha reer galbeedka ay hakiyaan xiriirkii ganacsi iyo iskaashi ee ay la lahayeen dowladda Sacuudiga.

Dadka la soo xirxiray iyo baahinta warkan ayaa u muuqda mid lagu ilaalinayo sumcadda dhaxal sugaha boqortooyadda oo ay maalmihii la soo dhaafay uu soo fuulay culeys weyn oo caalami ah. Waxaa kaloo lagu soo waramayaa in dhaxal sugge Amiir Maxamed Bin Salaam uu hadda wixii ka dambeeya hayn doono xilka madaxa nabadsugidda.

Warkan ay baahisay dowladda Sacuudiga ee ah in suxufigan dhaliilsanaa dowladda Sacuudiga uu ku dhintay dagaal dhex maray isaga iyo sarakiil kale oo Sacuudiyaan ah ayay u badantahay inuu abuuri doono su’aalo badan.

Warar ay hore u baahiyeen warbaahinta Turkiga iyagoo soo xiganaya illo wareed ay ka heleen saraakiil ka tirsan dolwada Turkiga ayaa lagu sheegay in khabiirka ugu sareeya baaritaana fal dambiyeedka uu ka mid ahaa koox 15 ka kooban oo ka yimid magaaladda Riyaadh labadii Oktoober ka hor inta aanu suxufiga la dilay tagin Qunsuliyadda.

Waxay warbaahinta Turkigu baahiyeen inay nimankani wateen mishaarta lafaha lagu jarjaro, iyadoo isla warbixinta lagu sheegay in Saalax Maxamed Al-Tubaygi oo ah ninka kooxdani hogaaminayey codkiisa la duubay isagoo ku dhiirigalinaya kooxdiisa inay dhageystaan muustiko inta laga jarjaryo jirka suxifigan, balse cadeymahani ah ee la sheegay ilaa iyo hadda lama soo bandhigin.

Sida ay qoreen warbaahintaa reer galbeedka, way adkaan doontaa in laga dhaadhiciyo caalamka in dowladda Sacuudigu aanay wax lug ah ku laheyn dilka Jamal Khashoggi iyagoo sheegaya in 15 ka nin ee magaalada Istanbuul tagay ay ahayeen ilaaladda gaarka ah ee dhaxal sugge Maxamed Bin Salmaan.

Maalintii la waayey suxifigan ilaa iyo hadda oo dowladu Sacuudigu shaacisay geeridiisa, waxay warkan ka hor mar walba madaxda Sacuudigu ku adkeysanayeen in Jamal Khashoggi si nabad ah uga baxay Qunsuliyadooda.

SHARE