Dowladda Ruushka ayaa dalkeeda ka erisay 60 dublamaasi oo Mareykan ah iyadoona xirtay sidoo kale qunsiliyadda Mareykanka ee magaalada St Petersburg ku taalla taasi oo jawaab celin u ah tallaabadii Mareykanku ku eryay dublamaasiyiin Ruush ah kaddib weerarkii kiimikada ahaa ee UK loogu geystay basaas Ruush ah iyo Gabadhiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in dalalka kale ee dublamaasiyiinta Ruushka eryay ay filan karaan tallaabadan mid la mid ah.
Waxa ay ka dambeysay kaddib muran ka dhashay suntan neerfaha waxyeelaysa ee magaalada Salisbury ee dalka UK loogu geestay basaas hore oo Ruushka u dhashay iyo gabdhiisa..
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in tallaabada Ruushku uu ku eryay dublamaasiyiinteeda ay tahay filan waa.
Arrintani Waxa ay calaamad u tahay xiriirka sii xumaanaya ee u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka.