Dowladda Qatar oo 30 gaari ku wareejisay dowladda Soomaaliya (Sawirro)

1003

Gaadiidkan oo isugu jira 30 Bas iyo Labo Wiish oo ah nooca Badeecooyinka ka dajiya Maraakiibta ayaa Maanta Dowladda Qatar waxay ku wareejisay Dowladda Soomaaliya, waxaana loogu tala galay in lagu dardar galiyo howlaha Gobalka Banaadir iyo Dekadda Muqdisho.

Madasha lagu wareejinayay Gaadiidkan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cusmaan Maxamed Cabdi Daallo, Maareeyaha Dekadda Muqdisho, Axmed Maxamed Maxamuud Washington Guddoomiye ku xigeenka howlaha Guud ee Gobalka Banaadir iyo Masuuliyiin ka tirsan Safaaradda Qatar ee Soomaaliya.

Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Xasan Xamsa Asad Haashim, ayaa qalabkan ku wareejiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekedaha, isagoo wasiirkuna uu kusii wareejiyay maamulka Dekedda iyo kan Gobolka Banaadir.

Masuuliyiinta Maamulka Gobalka Banaadir iyo kan Dekada Muqdisho ayaa Dowladda Qatar kaga mahad celiyay Gawaaridan ay ugu deeqday Dowladda Soomaaliya, waxaanay sheegeen in Kaalin wanaagsan ay ka qaadan doonaan adeegyada Gobalka iyo Dekadda.

Wasiir ku xigeenka Dekada Cismaan Daallo oo Goobta lagu wareejinayay Gawaarida ka hadlay ayaa in Dowladda Qatar ay ka mid tahay Dowladaha garab istaagay Soomaaliya, Abaal badana ay dowlada Soomaaliya iyo Shacabkeeda kaga hayaan Mashaariicda iyo Howlaha kale oo ay kaga qeyb qaadaneyso dib u dhiska dalka, Gaadiidkana wuxuu sheegay inay wax badan ka tari doonaan adeegyada Dekada iyo Gobalka.

Dhinaca kale Maareeyaha Dekadda Muqdisho Axmed Maxamed Maxamuud Washington oo la hadlay warbaahinta afka dowladda Ku hadla  ayaa sheegay in Wiishashkan ay wax weyn ka tari doonaan habsami u socodka howlaha Dekedda Muqdisho, isagoo ugu mahad celiyay Dowladda Qatar oo Gaadiidkan ugu deeqday Soomaaliya.

Washington, ayaa sidoo kale sheegay in Wiishashkan oo uu mid ka mid ah qaadi karo 100 Tan, halka kan kalana uu qaadi karo 63 Tan oo culays ah, kuwaasoo fududeyn kara baahiyaha ka jira Dekedda Muqdisho.

Waa markii Labaad oo Laba Bilood gudahood ay Dowladda Qatar ku wareejisay Soomaaliya Deeq Gaadiid ah, taasoo qayb ka ah howlaha gargaarka iyo taakulaynta ay Qatar la garab taagan tahay Soomaaliya