Dowladda oo war ka soo saartay dad rayid ah oo ciidamada Amisom Muqdisho ku dileen

629

Muqdisho (UM) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeysay dhacdadii degmada Heliwaa shalay ka dhacay oo Ciidamo ka tirsan hawlgalka nabad ilaalinta Amisom dad shacab ah ku toogteen.

” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku wargelinaysaa xaafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya in si degdeg ah loo soo dhamaystiro baaritaanka dhacdadaan,loona hor keeno sharciga cid kasta oo ay ku caddaato in ay ku lug lahayd. Dowladda Soomaaliya waxa ay billasbeysaa baaritaan gaar ah oo la xiriira dhacdadaan”. Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in waajibka ugu horreya ee saaran dowladda ay tahay ilaalinta nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed.

Ciidamada Amisom ayaa shalay waddada ex-kontoraal ee degmada Heliwaa ku toogtay dad shacab ah, xaafiiska Amisom ee Soomaaliya wali kama hadlin dhacdadaan.