Dowladda oo sheegtay in xusus Qaran loo samaynayo dadkii ku dhintay Weerarkii October 14, 2017

728

Muqdisho (UM) – Kulanka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ee Khamiislaha ah ayaa maanta looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, adkeynta amniga iyo u diyaar garowga xusuus qaran oo loo samaynayo dadkii lagu xasuuqay qaraxii 14-kii October ee sanadkii hore ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Shirka Golaha Wasiiradda ayaa dood dheer kaddib ay isku raaceen in xasuus qaran loo sameeyo dadkii ku dhintay weerarkaas, iyo la garab istaago dadkii dhibaatadu ka soo gaartay.

Shirka oo shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuled ayaa sidoo kale looga dooday in maalinta 14-0ctober loo aqoonsado maalin qaran oo lagu xasuusto dhammaan dadkii dhibaatada iyo waxyeeladu ka soo gaartay musiibadii qaraxaasi.