Ra’iisul Easaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa sheegtay in dalkeeda laga mamnuucay boobayaasha fudud kaddib weerarkii lagu qaaday labo masjid oo ku yaalla magaalada ChristChurch ee dalka New Zealand.
Ku dhawaaqistaan cusub ayaa timid ka gadaal weerar lagu dilay konton qof oo uu geystay nin hubeysan oo uu dhashay dalka Australia.
Ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa sheegtay in la soo saari doono sharci cusub 11 bisha April ee sannadkaan, iyada oo intaas ku dartay in sida taariikhda dalkeeda isku badashay ay sharciyada dalkeeda isku badali doonaan.
Dhammaan dadkii ku dhintay weerarkii jimcihii ka dhacay labo masjid oo ku yaalla magaalada ChristChurch ayaa la aqoonsaday sida laga soo xigtay booliiska dalka New Zealand. Booliiska oo horay haweeney aan dhiman ugu tiriyay dadka dhintay ayaa raaligalin ka bixiyay.
Brenton Tarrant cunsurigii geystay weerarka oo u dhashay Australia ayaa maxkamad loo soo istaajiyay hal dil, iyada oo lagu wado in uu wajaho eedo kale oo dil la xiriira.
Dowladda New Zealand ayaa lix bari kaddib waxa ay ku dhawaaqday go’aanka lagu mamnuucayo qoryaha fudfudud iyo waliba qasnadaha qaadi kara rasaasta iyo qalab kasta oo loo arko in uu halis ku yahay amniga dalkaas. Khamiistii ayay dowladdu hubka qaar ku calaamadeysay kuwa halis ah taas oo adkeysay in dadku ay gadan karaan.
Dowladda New Zealand ayaa sida ay shaacisay Ra’iisul Wasaaraha dalka New Zealand waxay cafis u fidisay dad heysta hubka, iyada oo dowladdu la timid mashruuca ay dib uga gadeyso milkiilayaasha hubkaas heysta.
Raiisul Wasaaraha New Zealand ayaa sheegtay in qiimaha ay dowladdu dib ugala wareegeyso hubka uu yahay mid qaali ah , hase ahaate ay taas u sameyneyso si loo hubiyo amniga iyo badqabka muwaadiniinta dalkeeda.