Dowladda Kenya oo sheegtay inay ciidamadeeda kala bixi doonto Soomaaliya

696

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Ciidankeeda ay kala baxeyso Soomaaliya laga billaabo Bisha July ee Sanadka soo aaddan.

Arrintan waxaa ay ka dhalatay kaddib markii dowladda Kenya ay Qaramada Midoobey weydisatay magdhowga Askarta uga dhintay Dagaalka ay kula jirto Al-shabaab ee Koofurta Soomaaliya.

Warbixin Maaliyadeed ay baahisay Wasaaradda Maaliyadda Kenya ayaa muujineysa in Qaramada Midoobey ay Kenya ku wargelisay in la dhimayo qiimaha Magdhowga Askarta Kenya ee Soomaaliya lagu dilay.

Lacagta ay Kenya ka dooneyso Qaramada Midoobey waxaa ay gaareysaa  Sh8.5 Bilyan oo shilinka Kenya ah.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayey ku sheegtay in Kenya ay siineyso  Sh6.1Bilyan oo shilinka Kenya ah sanadkan,labada sano ee soo socotana lacagtaas la dhimayo lana gaarsiinayo Sh5 Bilyan oo Sanadka soo socda ee 2019 ah iyo  Sh3.5 Bilyan oo Sanadka 2020-ka ah.

Qaramada Midoobey ayaa dib ubixisay Mushaarka Ciidanka Kenya ee Soomaaliya oo gaarayay Sh4.68 bilyan muddo 10 bilood ah taas oo ku ekeyd Bishii April ee Sanadkan.

Kenya waxaa ka jooga Soomaaliya 4,000 oo Askari,Howlgalka Midowga Afrika ayaa doonaya in howlgalkiisa Soomaaliya uu soo gaba gabeeyo Sanadkan 2020ka hayeeshee Kenya ayaa dooneysa in ka bixitaankaas dib loo dhigo lana wada joogo Soomaaliya.