Dowladda Kenya ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay gal dacwadeedka jawaabta ay ka sugeysay Maxkamadda ICJ ee fadhigeedu yahay Hague ee dacwada ku saabsan muranka dhinaca badda ee Kenya kala dhaxeeya Soomaaliya.
Telefeshinka DW ee laga leeyahay Jarmalka ayaa daabacay in muhiimad gaar ah uu yeelan doono go’aanka kama dambeyska ah ee ay dacwadaasi ka gaaraan Garoorayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee Hague, hadba labada wadan midkii loo xukmiyo lahaanshiyaha qeybaha badda ee lagu muransanyahay., sababtoo ah waxaa ka war sugaya hadba sida uu ku dhamaado kiiskani dalal badan oo ay ka mid yihiin Tanzania iyo Malawi oo iyaguna isku heysta muran ka dhashay xuduud dhuleed, kuwaas oo eegaya dhinaca ku guuleysta dacwadani muranka xaduud badeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Warbaahinada Caalamka qaarkood ayaa shaaciyay in dowladda Kenya ku adkaysanayso in aysan Maxkamadda Hague xaq u lahayn qaadista dacwadaas,isla markaana dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay Sanadkii 2009kii heshiis isfaham ah wada gaareen.
Dhanka kale, dowladda Kenya ayaa ku doodeysa in heshiiska ay Soomaaliya ay ka soo horjeedo uu horay u saxiixay Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, sidaas awgeedna Kenya ay kala xaajooneyso wixii muran badeed ah Soomaaliya, balse soo jeedintaas waxaa hore u diiday Soomaaliya oo ku adkeysatay in lagu kala baxo go’aanka Maxkamada
Warbaahintani ayaa sidoo kale sheegtay in shirkadihii ka waday sahminta shidaalka ee ay Dowladda Kenya siisay qandraasyo la xiriira baaritaanka shidaalka ay hajiyeen howlihii ay wadeen iyagoo ka war sugaya go’aanka Maxkamada Caalamiga ah oo uu hadda horyaalo kiiskani.