Dowladda Jamhuuriyadda Afrikada dhexe oo heshiis la gaartay jabhado hubeysan

542
Dowladda Jamhuuriyadda Afrikada dhexe oo heshiis la gaartay jabhado hubeysan. Sawirka: Reuters

Dowladda Jamhuuriyadda Afrikada dhexe ayaa heshiis la gaartay afar iyo toban jabhadood ka gadaal wadahadalo ka dhacay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan .

Heshiiskaan oo ay goob joog ka ahayd Qaramada Midoobay ayaa waa cusub u furi doona dalka Jamhuuriyadda Afrikada dhexe oo colaado la daaladhacayay tan iyo sannadkii 2013 markaas oo jabhad ay Muslimiin hormuud u yihiin ay xukunka ka tuurtay Madaxweynihii dalkaas Francois Bozizi.

La wareegitaan xukunka ay la wareegeen jabhadda Seleka oo Muslimiin ah ayaa keenay is abaabul ka dhan ah oo ay sameeyeen jabhado kale oo masiixi ah kuwaas oo dhibaato xooggan u geystay Muslimiinta Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Si loo joojiyo rabshadaha u dhaxeeyay Muslimiinta iyo Masiixiga ayaa waxaa  sannadkii 2014 la geeyay ciidan nabad ilaalim oo ka socda Qaramada Midoobay.

U qaybsanaha Midowga Afrika ee nabadgalyada iyo amniga Ismaaciil Sharqi ayaa sheegay in ay Khartuum kusoo gabagabeeyeen heshiis nabadgalyo kaas oo dadka Jamhuriyadda Afrikada dhexe u suuragalinaya in ay qabaan wadada dib u heshiisiinta iyo horumarinta.

Wadahadalaan oo ay si wadajir u taageerayeen Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa waxay ka bilawdeen 24 bisha January iyada ujeedku ugu weyn uu ahaa sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa colaadaha dalka Jamhuuriyadda Afrikad Dhexe oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in barakiciyeen dad gaaraya hal Milyan oo maanta qarka u saran saboolnimo iyo macluul haddii aysan dib ugu noqon deegaanadoodii.

SHARE