Dowladda Ingiriiska oo safiir cusub u soo magacoowday Soomaaliya

34

Muqdisho (UM) – Benjamin James Fender ayaa loo magaacabay danjiraha dowladda Ingiriiska u fandhin doono Soomaaliya isaga oo beddelaya Mr David Concar. David Concar ayaa loo magaacabay jago kale oo diblumaasiyadeed loo magaacabay. Mr Fender aya xilka la wareegi doono bartamaha bishaan February ee 2019.

Safiirkaan cusub ee Soomaaliya loo soo magaacabay ayaa ah danjitihii ugu khibrida badanaa ee Britain Soomaaliya u soo dirto.

Benjamin James Safiirka cusub ayaa muddo dheer ka shaqaynayay wasaaradda arrimaha dibadda Britain isagoo jagooyiin kale duwan ka soo qabtay. Waxa uu sidoo kale ka soo shaqeeyay dalal kale duwan oo calaamka ah.

Waddamada uu ka soo shaqeeyay waxa ka mid ah Afghanistan, Iran Afrika, Faransiiska, Shiinaha iyo Sierra Leone Afirka ah.

Magacaabista Safiirka cusub ee UK ayaa imanaysa iyadoo dowladda Soomaaliya aysan wax safiir ah u magaacabin dalka Ingiriiska ilaa iyo hadda iyadoo ay Britain ku jirto qorshaha adag ee ka bixitaanka Midowga Yurub.

SHARE