Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Anwar Mahamed Qarqaash ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya, isagoo soo hadal qaaday in heshiiskii Dekeda Berbera uu ku yimid is faham dhex maray dowladdii hore ee Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha arrimaha dibeda Anwar Qarqaash oo la hadlay BBC-da laanteeda afka Carabiga ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin Midnimada Soomaaliya, isagoo caddeeyay in aanay wax xiriir ah la laheyn Somaliland, isla markaana Qunsuliyad iyo Safaarad midna ku laheyn.
“Arrinta Dekeda Berbera waxay ku dhacday is faham cad oo aan la yeelaneynay dowladiii hore ee Soomaaliya, is fahamadaas waxay ahaayeen kuwo cad cad, waxay hoos imaanayeen taageerada Soomaaliya oo mid ah, innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradana kuma lihin, xiriirna lama lihin, iskaba daayee waxaa kaalin fududeyn ka qaadanay inaan kulamo u qabano madaxda Soomaalida, waxay ku kulmeen Dubai iyo Abu Dubai, haddii aan aqoonsanahay siyaasadda Soomaali mid ah, in aysan naga reebeyn inaan ka shaqeyno dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo kaalmada in aan Somaliland ka sameyno”ayuu yiri Anwar Qarqash.
Mar uu ka hadlayay wada hadalada lagu xalinayo khilaafka diblomaasiyadeed ayuu sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay wada hadal furan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu socdo wada hadalo lagu xalinayo mad madowga labada dal soo kala dhex galay iyo arrintii dhacday 8-dii bishan ee lagu xayiray diyaarad ka diwaangashaneyd Imaaraadka Carabta, isla markaana Ciidamada Amniga Soomaaliya la wareegeen lacag gaareysay 9.6 milyan.
Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sii xumaanayay, waxaana Imaaraadka ay ku dhawaaqeen inay joojiyeen howshii tababarada ay ka wadeen Soomaaliya, iyagoo si KMG ah u joojiyay shaqadii Isbitaal ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, kaasoo maalin walba bukaan socotada siinayay daawo.