Dowladda: ha la ixtiraamo go’aanka baarlamaanka Galmudug

838

War saxaafadeedka  ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay cambaareyneyso tallaabada lagu xayiray dhaq dhaqaaqyada Madaxweyne kuxigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug.

waxaa ay dowladda ku baaqday in si deg deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo m si ay u gutaan waajibaakooda.

Dowladda Federaalka waxay ku baaqeysaa in la ixtiraamo go’aankii Baarlamaanka Galmudug uu gaaray maanta oo ay taariikhdu tahay 26 September, loona hoggaansamo sareynta sharciga.