Dowladda Federaalka Soomaaliya waa inay la xisaabtanto beesha caalamka iyo xubnaha kale – UM

1684

Mogadishu (UM) – Shirkii iskaashiga Soomaaliya (SPF) ee ka dhacay Brussels ayaa ku soo gebo gaboobay isla natiijada ay dadka Soomaaliyeed filayeen, ballanqaadyo dheeraad ah iyo go’aamo cusub oo lagu taageerayo Soomaaliya si ay cagaheeda iskugu taagto ayaa ka mid ahaa waxyaabihii soo baxay shirka.

Xukuumadda Soomaaliya waxay deeq-bixiyayaasha u soo bandhigtay warbixinta u eg mid iskuul  oo ku saabsan amniga, dib-u-habeeynta dhaqaalaha, siyaasadda loo dhan yahay iyo dib u dhiska Soomaaliya. Beesha caalamku aad ayay ugu riyaaqeen iyagoona sameyay ballanqaadyo hor leh oo qaarkood ay isla sannado ka hor sameyeen kuwaas oo laga yaabo in ay rabaan inay hadda u eekeysiyaan balanqaadyo cusub. Balse ujeedku wuxuu yahay in qof walba oo talada wax ku leh uu qanacsanaado ilaa laga gaaro shirka soo socda muddo 6 bilood kadib. Arrinta kaliya ee xalka lagama maarmaanka u baahan ayaa ah, dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay samaysay balanqaadyo farabadan waxayna u baahan tahay taageerada beesha caalamka si ay si dhab ah u fulliso balanqaadyadii ay sameysay. .

Balanqaadyadda la sameeyay, laga soo bilaabo hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Amniga oo uu hogaaminayo la-taliye hore oo u shaqeyn jiray midowga Yurub oo aan laheyn khibrad amni iyo  iyadoo aanay jirin maalgelin dhaqaale oo gudaha dalka ka soo xaroorta waxay muujineysaa in dowladda Federaalka ay gashay balanqaadyo farabadan oo ay adagtahay fullinteeda.. Hase yeeshee, beesha caalamiga ayaa ka jawaabay ballanqaadka taageerada farsamo iyo dhaqaale iyagoona ugu yaboohay Soomaaliya 120 milyan oo Euro oo lagu taageerayo miisaaniyadda Soomaaliya inta ka harsan xilliga maamulka dowadan haadan jirta. Tageeradan dhaqaale, marka la eego, waa wax aan waxba goynaynin marka laga hadlayo dal ay ku noolyihiin in ka badan 10 milyan oo qof oo intooda badani ka ku nool wax ka hoseeya xadka saboolnimada.

Marka laga soo tago danaha guud ee caadiga ah, waxaa cad inaan aad looga fiirsan talooyinka ay qaadatay xukuumadda Soomaaliya ee ay ku ogolaatay qorshayaasha hay’adaha caalamiga ah ee shirkkii horumarinta Soomaaliya ee Brussels (SPF).  Xukuumadda Soomaaliya waxay wali awoodaa inay iska badbaadiso waji-gabax waxayna midaasi ku imaan kartaa iyadoo ka dalbata deeq bixiyayaasha isla-xisaabtan si ay u suurtagasho inay fuuliyaan balanqaadkooda si loo hirgeliyo barnaamijka la balan qaaday ee hankiisu aadka u sareeyo.

Waxaa kale oo iyadna maangal ah in Madaxweyne Farmaajo uu kala tashto Madaxweynihii taladda uga horeeyay Xasan Sheikh Maxamuud uuna weydiiyo wixii uu kala kulmay balaqaadkii 2 Bilyan ee midowga Yuruh ay ugu yabooheen dowladiisa shirkii madasha hiigsiga cusub ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xafiiska baneeyay isagoo cid walba u sheegay “Ma jirin wax heshiis ah.” Sida wadanka Afghanistan oo kale, Balayiin dollar ayaa la sheegaa in lagu bixiyo Soomaaliya barnaamiyadda nabadda soo celinya iyo dowlad dhisidda laakiin waxaa lagu doodii karaa in wax yar oo dhaqalahaasi kamid ah ay dadka Soomaaliyeed spo gaaraan. Madaxweyne Farmaajo wuxuu heysataa fursad qaali ah oo uu beesha caalamka ugu sheegi karo inay naga go’antahay hirgalinta balanqaadyadda aanu sameynay idinkana sidaas si la mid ah ay fuliyaan balanqaadkooda, Soomaaliya ma ahaan karto wadan marwalba ku jira xaalad tijaabo ah oo ay kor joogto ka yihiin isla kuwa raba inay tijaabadaasi guuldareysato.

Iyada oo miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ay tahay 274 milyan oo doolar ah, miisaaniyadda dhaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya way kooban tahay marka lala barbardhigo hay’adaha caalamiga ah iyo hay’adaha maamula mashaariicda deeq-bixiyeyaasha. Balaayiin doolar oo ka mid ah lacagaha la ballanqaado iyo kharashaad kaleba  ayaa ku baxa shirar lagu qabto caasimadda Muqdisho iyo meelo kale oo adduunka ka mid ah iyadoo dhaqalahaasi ay sheegaan wadamada deeq-bixiyayaasha inay kharashaadkas Soomaaliya ku deeqeen laakiin su’aalaha muhiimka ah ayaa ah ma jiraa isla xisaabtan dhanka deeq-bixiyayaasha ah iyo Soomaalidda?  Cudurdaarka beesha caalamka ay bixiyaan ee ah “ma idin aamini karno” waa hab ay ku qariyaan mashaariicda sida xun loo maamulo, wax isdaba marinta, mushaharka iyo gunnooyinka shaqaalaha ee sheegta kharashaadka amnigooda lagu sugo balse aan soo dhaafin xeryaha gudaha degaanka Xalane. Xagee ayuu xukunka wanaagsan ee deeq-bixiyeyaashu ka codsanayaan Soomaaliya ka imanayaa markii iyaga hab-dhaqankoodu sidan yahay? Hubinta sida loo maamulo kharashka gargaarka ee Soomaaliya waxay banaanka keeni kartaa xaqiiqooyin aad u xiiso badan oo ku saabsan sida deeqaha la yaboohay laa maamulo taas oo ay wax badan ‘ka bartaan oo wanaajin kara howlahooda shaqo’ inta lagu jiro xilligan kala guurka ah.

Waxaa muuqata in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay inay si daacadnimo ah ula shaqeynayso dhammaan beesha caalamka iyo xubnaha kale si ay u horumariyaan Soomaaliya. Hase yeeshee, waxay u muuqataa inay ka baaqysanayaan inay deeq-bixiyeyaasha iyo maamulayaasha mashruuca gudaha Soomaaliya xaqiiqda dhabta ah u sheegaan. Si kastaba ha ahaatee, si looga fogaado caqabaddihii hore u soo qabsaday dowladii uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa sameynta balanqaadyo ku aadan diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, barnaamijka gargaarka iyo taageeridda maal-galinta ammaanka inta lagu jiro doorashooyinka. Wuxuu kaloo Madaxweyne Xasan Sheekh balanqaad ka sameeyay arrimaha amniga, balse ma jirin tageero ballaaran oo ay beesha caalamku ku taageereen si loo fulliyo balanqaadyadaasi.

Waa in la siiyaa dhaqaale dowladda Soomaaliya tageero ka baxsan mushaharka iyo iyo tababbarro haddii qorshaha kala-guurka ay tahay inuu shaqeeyo,  markaas ayay suurtagli kartaa in AMISOM ay wadanka ka baxdo iyadoo gudatay waajibaadkeeda. Qorshaha horumarinta Soomaaliya hore ayaa dhaqaale loogu kharashgareeyay balse hadda waa in laga hawlgalaa fullinta balanqaadyadii dhaqaale si ay dowladda ugu hirgasho meel marinta qorshayaasha ahmiyadda gaarka ah u leh. Qorsheynta iyo ka hadliddad mashaariic ay horboodayaan beesha caalamka oo aanan la fulin karin ujeedooyinkooda kuwaas oo uun dan u ah hay’adaha caalamiga maahan kuwo la aqbali karo. Mashariicdu iyo qorsheyntooduba waa inay ahaadaan kuwo Soomaalidu leedahay amase waa waxba kama jiraan wixii ka soo hara intaas.

Waxaa jira heshiis erey-bixintiisa si wacan  loo qaabeeyay oo loo bixiyay “Hanaanka isla-xisaabtanka wadajirka ah kaas oo ay ku ballanqaadeen inay si daacadnimo ah u caawiyaan Soomaaliya si ay u hoggaansamaan horumarkooda iyada oo ay ku taageeraayaan habka ugu habboon ee ay awoodaan si daacadnimo ku jirto. Haddaba iyadoo midaas la sii amba qaadayo waa in Xukuumadda Soomaaliya ku cadaadisaa beesha caalamka in la fuliyo balanqaadyadii ay sameyeen iyada oo la sii horumarinayo nidaamyadooda iyo awoodda hey’adaha dowladda si ay u gutaan mas’uuliyadaha dheeraadka ah ee loogu talagalay horumarinta qaranka.

Ugu dambeyntii, cidda maalin walba tijaabo ku jirta ma ahan beesha caalamka, lbalse waa dowladda Soomaaliya oo wajihi doonta shacabka Soomaaliyeed marka la gaaro xilliga doorashadda. Adeegga bulshada iyo badbaadada Siyaasadeed ee dowladda ayaa ah kuwa isku xiran, hase ahaatee beesha caalamka waxay mar walba la shaqeeyn doontaa cid kasta oo la doorto illaa iyo ay helayaan dhaqaalahooda aan isla xisaabtanka la soconin. Midani waa casharka maamuladii hore ee dawlada hadda jirta ay tahay in ay fahmaan oo ay iska ilaaliso ineysan ku dhicin dabinadii ay ku dhaceen kuwii ka horeeyay.