Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qaybgalay munaasabad xalay ka dhacday Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo lagu caleema saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay gacan ku siineyso maamulka Koonfur Galbeed arrimaha amniga, dib u heshiisiinta iyo baahinta adeegyada dadweynaha.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horreyntii waxa uu uga tacsiyeeyey ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Maxamuud Yuusuf Muuro oo ahaa halgamaa ka tirsanaa ururkii gobonnimo doonka ee SYL. Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa shakhsi u huray naftiisa iyo waqtigiisa sidii Soomaaliya ay isaga tuuri lahayd heeryadii gumeystaha.
Intaas keddib, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Koonfur Galbeed masuuliyadda loo dhiibay, wuxuuna caddeeyay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in ay kala shaqayso Madaxweynaha cusub hawlaha muhiimka ah ee horyaalla maamulkiisa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu uu yahay mid ahmiyad weyn u leh daadajinta adeegyada bulshada, isaga oo intaas ku daray in sanadkan cusub ay ka wada shaqeynayaan Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada sidii loo dardargelin lahaa hawlaha hortabinta u leh geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya.
“Waxaan wada fahamsannahay annaga oo idil in shacabka Soomaaliyeed ay na wakiisheen oo ay leeyihiin dowlanimadan iyo qarankaba, annaguna aan u nahay adeegayaal ka shaqeeya maslaxooda iyo dantooda guud, sharafkooda iyo karaamadoodana aan soo celinno. Intaas haddii ay mabaadii’ noo tahay ma imaan karto khilaafaad iyo iska hor imaad.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo oo wali ku sugan Baydhabo ayaa kulamo gaar ah la yeeshay wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulsho weynta reer Koonfur Galbeed.