Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay doorashooyinka ka socda dowlad Goboleedka Jubbaland.
Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay wax ay ku sheegtay in habraacyada loo maray xulista liiska Odayaasha dhaqanka ee Xildhibaannadda soo xuliyay aanay waafaqsanayn diiwaanka dhaqanka ee wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiinta.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale sheegtay In doorashada kasta oo dhacda sifo baalmarsan dastuurka Federaalka Soomaaliya, habraacyada doorashooyinka ay wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiinta soo saartay ay yihiin waxba kama jiraan, sida lagu xusay qoraalka ka soo baxay wasaaradda.
Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa imaanaya iyadoo maanta doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo Xildhibaannadda Baarlamaanka Jubbaland Guddoomiye iyo labadiisa ku xigeen ku doorteen.
Sidoo kale doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa loo asteeyay in ay dhacdo 22ka bishaan Ogoosto.