Dowladda Federaalka oo war ka soo saartay Dagaalkii Beled-Xaawo

133

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah ka soo saartay Dagaalkii shalay ka dhacday degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo kaasi oo dhexeeyay ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland.

War qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Kenya in ay soo hubaysay maleeshiyo weerar ku soo qaaday degmada Beled-Xaawo.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddaynaysaa in ay maleeshiyo ay soo hubaysay Dowladda Kenya xalay weerar qaawan kusoo qaadeen Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo”. Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa isku daygaan fashilmay oo ay dabada ka wadday, soona qorshaysay Dowladda Kenya. Isku dayada noocaan oo kale ah waxay kasoo horjeedaan nabad ku wada noolaanshaha waddamada deriska ah iyo  sharciga adduunka labadaba. Waxay sidoo kale dhaawacayaan xornimada, midnimada iyo qaranimada”. Ayaa lagu xusay qoraalka.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa jawaab u ah qoraal ka soo baxay dowladda Kenya oo ka hadashay dagaalkii Beled-Xaawo.

Magaalada Beled-Xaawo ayaa maanta degan iyadoo dagaalkii shalay halkaasi ku dhexmaray ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland uu ka dhashay qasaare naf iyo meelba leh.

SHARE