Muqdisho (UM) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Maamulka Soomaaliland ay wadashaqayn dhaw la yeelanayso kaddib markii Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.
“Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xaafiiska madaxtooyadda Soomaaliya.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhiirrigelinayso dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar. Ayaa lagu yiri qoraalka.
Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay kula kulmay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyagoo ka wadahadalay arrimo dhawr ay ka mid yihiin, amniga iyo is dhexgalka bulshada.