Dowladda Federaalka oo soo bandhigtay heshiiskii ay la gashay Ahlu Sunna

525

Muqdisho – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigay qodobo ka mid ah heshiiskii ay ka gashay Maamulka Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalaynta Cabdi Maxamed Sabriye ayaa soo bandhigay qodobada ku qoran heshiiskii Ahlu-Sunna iyo dowladda ay kala saxiixdeen.

Wasiir Sabriye oo la hadlayay kulan ay isugu yimaadeen bulshada ku nool magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hor akhriyay qodobada ku qoran heshiiskaas oo ka kooban 10 qodob.

Wasiirka ayaa sheegay in eedeynta Ahlu-Sunna u jeedisay dowladda Federaalka aysan hal meel uga xusin qodobada heshiiskii ay kala saxiixdeen, taasi oo Ahlu-Sunna sheegtay in dowladda baalmartay.

Hoggaanka Ahlu-Sunna oo shalay war qoraal soo saaray ayaa dowladda Federaalka eedeyn culus u jeediyay oo ah inuu burburay heshiiskii ay kala saxiixdeen, sidoo kalena wixii ka dhaca magaalada Dhuusamareeb ay masuuliyadeeda ay qaadayso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxa Ahlu-Sunna oo Sheekh Maxamed Shaakir oo heshiiska horey u saxiixay ayaa ku saxiixnaa warqada ay shalay soo saareen.

Hoos ka daawo hadalka wasiirka iyo qodobada la soo bandhigay.