Dowladda Federaalka oo dib u dhisaysa Buundada magaalada Baardheere

52

Muqdisho – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay lacag ay dib ugu dhisayso Buundada degmada maagalada Baardhere.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay lacag gaaraysa 317,000 (saddex boqol iyo toban toddobo kun) oo doollar Mareykanka ka ah oo dib loogu dhisayo buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in baahiyaha bulsada wax looga qabto sida ay u kala muhiimsanyihiin iyo hadba inta ay la egtahay awoodda dowladda.

Xildhibaano ka tirsan bada Aqal oo Ra’iisul Wasaare Kheyre kula kulmay xaafiiska, ayaa ku bogaadiyay ka jawaabidda baaqa bulsahda iyo bixinta lacagta dib loogu dhisayo Buundada Baardheere oo muhiim u ah dib u kabashada dhaqaalaha dalka, horumarinta ganacsiga, fududeynta isu socodka, amniga iyo deb-qabka dadka iyo gaadiidka safarka ah.

Dib u dhiska buundadaan ka qeyb qaadan doonto fududeynta isu socodka bulshada iyo kocobaca dhaqaalaha dalka.

SHARE